Jigjiga oo laga helay qofkii ugu horreeyey ee looga shakiyo COVID-19

Jigjiga oo laga helay qofkii ugu horreeyey ee looga shakiyo COVID-19

Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Jigjiga ayaa markii ugu horreysay laga helay qof dumar ah oo looga shakiyey cudurka Coronavirus kaddib markii lagu arkay calaamadaha cudurkaas.

Qofka ayaa ka yimid ismaamulka magaalada DIRE DHEBE waxaana lagu xareeyey oo lagu karantiiley goob loo diyaariyey dadka cudurka laga helo ama looga shakiyo.

Kiiskan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee laga helo magaalada Jigjiga. Saas oo ay tahay Jigjiga waxaa weli aan la joojin goobaha bulshadu ku kulanto, sida makhaayadaha, aroosyada iyo shirarka. Meelaha kaliya ee illaa iyo hadda amarka bandowgu ka fulay ayaa ah Masaajidada magaalada Jigjiga oo albaabada loo laabay todobaadkii la soo dhaafay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com