Jowhar: Magacyada Musharaxiinta guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jowhar: Magacyada Musharaxiinta guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad Ee DGHSH ,Mudane Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan Macalin ayaa Gudoonsiiyay shahaadooyinka musharaxiinta guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Illaa iyo hadda ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyinka musharaxnimo guddoomiyaha baarlamaanka hirshabelle musharaxiinta kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir.

Xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa u tartamaya oo la guddoonsiiyay shahaadooyin Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.

Sidoo kale xilka Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka ayaa waxa u tartamaya 2aad Musharax Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise .

Musharaxiintan ayaa lagu wadaa in ay berry la hadlaan xildhibaanada baarlamaanka oo ay qudbado u jeediyaan iyadoo 4ta bishana ay dhacayso doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabelle.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com