Jubbaland oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (Daljir) —Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la hadlay warbaahinta  ayaa hambalyo iyo bogaadin udiray  madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar doorashada dib loogu doortay hogaaminta shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne kuxigeenka oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Jubaland ayaa hambalyo udiray madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukumadiisa cusub,wuxuuna urajeeyay in Alle ku asturo xilka culus ee mar labaad dib loogu doortay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com