WAR SAXAAFADEED: Jubbaland oo ka digtay colaad & ciidamada DFS ee lagu daabulayo Gedo

WAR SAXAAFADEED: Jubbaland oo ka digtay colaad & ciidamada DFS ee lagu daabulayo Gedo

War Saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa sidan u qornaa:


Jubaland waxaa ka jirta xaalad abaarreed oo ba’an, dhalisayna khasaare balaaran oo naf iyo maalba leh. Waxa isbuucyadii la soo dhaafay lagu hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo foodsaartay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubaland.

Haddaba, ayadoo ay taasi jirto ayaa waxaa nasiib darro ah in halki Dowladda Federaalku doorkeeda ka geysan lahayd wax kaqabashada dhibaatadaas, inay gobolka Gedo ku sii daabulayso hub, ciidan iyo gaadid dagaal.

Waxa shalay oo taarikhdu ahayd 19 Maarso 2021, hub, gaadid dagaal iyo ciidan laga dejiyey deegaanada Daawo ee gobolka Gedo, oo awalba la il darnaa maleeshiyaad Dowladu Federaalka halkaasi geysay oo dagaallo ka riday, una geystay shacabka deegaankaas boob iyo barakicin. Waxaa iyana ayaandarro ah in ayadoo waddanku ku jiro xili kalaguur ah, dhammaadayna muddo xileedkii Madaxweynaha Federaalka iyo Goleyaasha Sharcidejintu, cid walba oo Soomaaliya danaynaysana ay ku baaqayso in diiradda la saaro wadahadal lagu dhammaystirayo caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorasho loo dhanyahay, uu Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday weli ka waantoobi la’ yahay dagaal oogid, abuuridda carqalado horleh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla.

Arrimahaas ayaa looga gol leeyahay jabinta heshiis kasta oo looga gudbi lahaa ismariwaaga jira.

Haddaba, Dowlada Jubaland waxay caddaynaysaa in masuliyadda wixii ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan u yeelan doono Madaxweynaha muddo xileedkisii dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayna noqon doonto xadgudub aan waligiis ka harin.


Xigasho: War Saxaafadeed Dowladda Jubaland


Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com