Madaxa Xisbiga ‘Economic Freedom Fighters (EFF)’ ama Dagaalyahanada Xornimo Dhaqaale U Dirirka ee Koonfur Afrika ayaa si kulul uga jawaabay Trump, yirina, “Wax kale laguma haysto Koonfur Afrika ee waxaa lagu haystaa doorkayaga u doodka xuquuqda dadka reer Falastiin iyo kiiska aan ka keenay Is^raa’iil.”
Malema ayaa lagu yaqaan hadalo kulul oo ka dhan ah caddaanka Koonfur Afrika asaga oo ku eedeeya in ay dheceen dhul-beereedkii dalka, loona baahanyahay in laga soo celiyo dhulkaas si kasta oo suurtagal ah. Malema ayaa waxaa lagu eedeeyaa in uu ka danbeeyo beeraleyda caddaanka ee si joogto ah loogu laayo Koonfur Afrika.
Malema intaas wuxuu ku sii daray, “Arrinkaan waa dagaal ka dhan ah Koonfur Afrika, ninkaas Trump ahna waaba nin u arka in adduunka yahay barxad uu leeyahay oo uga taal gurigiisa gadaashiisa.”
> Daljir Media
COMMENTS