JUXA: “Waa maalin foolxun iyo jug weyn oo Puntland ku dhacday,”

JUXA: “Waa maalin foolxun iyo jug weyn oo Puntland ku dhacday,”

“Waa maalin foolxun iyo jug weyn oo Puntland ku dhacday,” ayuu yiri Siyaasi Juxa oo ka falceliyey Iscasilaada Gudoomiyihii TEPEC.

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya ahna siyaasi reer Puntland ah oo xilal kala duwan soo qabtay Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Qoraal kooban oo uusoo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay Iscasilaada Gudoomiyihii TPEC.

Qoraalka oo ciwaan looga dhigay “GULED SALAH (GUDDOOMIYII TPEC) oo is-casilay iyo BARNAAMJKII DIMOQRAADIYEYNTA PUNTLAND OO DHINTAY.” ayaa u qoraa sidan hoose.
Iskudaygii ugu fiicnaa abid ee ay Puntland samayso ayuu ahaa Barnaamijkan oo si qurux leh dhowaan looga qabtay saddex degmo oo hordhac. Wuxuu ahaa isku day ay Puntland ku heshay magac iyo miisaan weyn, gudiguna ku kasbaday kalsooni, madax bannaani iyo xirfad lagu wada qancay.

Hannaankan oo 23 sano ay sugaysay Puntland ayaa hadda noqday mashruuc aan mudada dhow kalsooni dame cidi ku qabi doonin inuu markale dhaqaaqo. Guddoomiye Guuleed Saalax wuxuu sheegay inay ka horyimaadeen duruufo adag oo aan u suurtogelinayn inuu shaqada sii wado. Taas waxa keli ah oo loo fahmay Dawladda oo Barnaamijkan aysan ka go’nayn.

Joogsashada Geeddisocodka Dimoqraadiyeyntu “wuxuu run ahaan Puntland uga dhigan yahay maanta inay dhumisay hormuudkii Dawlad-dhiska Soomaaliya iyo nidaamka federaaliga ah si macnawi ah”.

Waa maalin foolxun iyo jugweyn oo Puntland ku dhacday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com