“Kalfadhiga ayaa lagu bilaabay ansixinta ajandaha 11aad oo ahaa dhagaysiga Warbixinta waxqabadka Komishinka baadhista tacadiyadii ka dhacay Deegaanka, dib u heshiisiinta iyo xaalmarinta dhibanayaasha. Ansixin kadib komishinka ayaa soo jeediyay Warbixintooda si faah faahfaasan, iyagoo Golaha Baarlamaanka u bandhigay tacadiyadii daraa ee ka dhacay Deegaanka Soomaalida ee ay ku soo ogaadeen baadhistii ay sameeyeen.
Golaha ayaa su’aalo Ka waydiiyay warbixnta talo bixino na, u soo jeediyay hoggaaminta komishinka dhaxal gal u noqonaysa shaqada ay hayaan, iyaga oo ka jawaabay su’aalaha. Kadibna golaha xildhibaanada ayaa cod buuxa ku ansixiyay Warbixinta komishinka.”
Diwaanka wararka | Daljir Media | Wariye Jamarti


COMMENTS