Kalluumaysato Soomaali ah oo horaantii bishii April ee sannadkan lagu waayay badda, ayaa laga helay jasiiradda Maldives.
Sida at sheegeen booliiska dalka Maldives, saddexda kalluumaysatada ayaa Sabtadii todobaadkan waxaa helay ilaalada xeebaha dalkaas.
Kalluumeysatada ayaa la sheegay in la waayay kadib markii ay howlo shaqo oo kalluumaysi ay ka bilaabeen Xeebaha Badweynta Hindiya ee ku yaalla nawaaxiga magaalada Muqdisho.
Booliiska Maldives ayaa sheegay in saddexda qof ay caafimaad qabaan.
Mas’uuliyiinta Maldives ayaa tilmaamay in ay xiriir la sameynayaan dhiggooda Soomaaliya ay ku howlan yihiin soo celinta kalluumeysatadan.
COMMENTS