Kenya: ”Nama Quseyso Xaaladda Janan Balse waa arrin u taal.”

Kenya: ”Nama Quseyso Xaaladda Janan Balse waa arrin u taal.”

Dowlada Kenya ayaa markii Ugu horeysay jawaab ka bixisay warkii ka soo Yeeray Hay’adaha amaanka dowlada iyo Amnesty international kaas oo ah in Dowlada Soomaaliya loo gacan galiyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in Xiriirka labada dowladood oo kol horaba aan aad u Wanaagsaneyn Marka kale uu Xumaanayo Kadib markii Kenya uu tagay Janan oo Dowlada Soomaaliya Baxsad Ka ah.

Laamaha amaanka Kenya ayaa Wargeyska u sheegay in Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu kasoo galay Mandeera Dhinaca Balad Xaawo halkaas oo uu Qaxooti ahaan Kenya ka soo Galay Wasiirka markii hore.

Hada ayaa la tilmaamay in uu degan yahay hotel ku yaal Mandheera oo Hay’adaha Kenya ay la wareegeen Amaankiisa.

Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau Ayaa wargeyska Nation u sheegay in Ciidamada Kenya oo Kaliya hada ay arintani ka Falcelin karaan Balse Meesha waxaa uu ka saaray in Xukuumadda Ay awoodo Go’aaminta Xaaladda Janan.

“Arrintani gacanteenna kuma jirto, Waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin ,Waana ciidamada amniga”.sidaas ayuu sheegay Kamau.

Hadalkani ayaa kusoo aadaya iyadoo Dowlada Soomaaliya waraaq ay soo saartay maalinkii arbacada ugu digtay Dowlada Kenya in ay Faragalin ku sameyso Amniga iyo siyaasadda Gudaha dalka.

Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa hada ku sugan Qaybo kamid ah Gobolka Gedo Tan iyo maalinkii uu baxsaday 28 January ee sanadan, Kaliya labo mar ayuu soo Muuqday.

Shalay isaga oo wata tuutaha Ciidanka ayuu Janan Duleedka Balad Xaawo ee Dhanka Xaduuda waxaa uu kula Hadlay ciidamo ka tirsan Kuwa Daraawiishta Jubaland.

Dowlada Soomaaliya ayaa waaran Caalami oo ay u dirtay Interpol ka codsatay in lagu Gacan siiyo Xariga Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo lagu soo oogay Dambiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com