Dowladda Kenya ayaa beenisay in ay xir xirto sidoo kalena si xun ula dhaqanto dadka Kenyaanka ah ee ka tirsanaa Al-shabaab kana baxay.
Dowladdu waxaa ay dhawaan sheegtay in 40 Qof oo ka mid ahaa Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay islamarkaana ay xarumaha dhaqan celinta u gudbisay.
Ururrada u dooda xuquuqda Aadanaha ee Magaalada Mombasa ayaa ku eedeyay dowladda in ay jir dil iyo gabood fallo kale u geysato dadka ka baxa Al-shabaab ee doonaya in ay dadkooda dib ugu laabtaan.
Kulan ay Magaalada Mombasa ku yeesheen hoggaamiyayaash gobolka ayey ku beeniyeen eedaha hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxaana ay sheegeen in eedda beddelkeeda ay si wanaangsan ula dhaqmaan dadka ka baxa AL-shabab
COMMENTS