Kenya oo dhaqan galinaysa heshiiskii ay dowladda Soomaaliya kala saxiixdeen

Kenya oo dhaqan galinaysa heshiiskii ay dowladda Soomaaliya kala saxiixdeen

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa looga hadlay wixii ka dhaqan galay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka oo la soo gaarsiiyey Safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Kenya dhaqan gelisay dhamaan qodobadii ku qornaa heshiiskii ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib wadahadal labada madaxweyne ku dhex maray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa cadeysay in heshiiska oo ay ka mid ahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi uu gabi ahaanba dhinaca Kenya ka dhaqangalay maadaama culaysyo ay ka jireen duulimaadyada oo markii hore mari jiray magaalada Wajeer oo cabasho badan ay ka timid.

Waxaa kale oo ka mid ahaa heshiiska in diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka in ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Ugu dambeyntii Kenya ayaa sheegtay in ay ka rajaynayso dhinaca Soomaaliya in ay dhaqabgeliso heshiiska,in kasta oo dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay in uu bilowday duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com