Kenya oo hakisay duulimaadyadii ka imaanayay dalka Talyaaniga

Kenya oo hakisay duulimaadyadii ka imaanayay dalka Talyaaniga

Dowladda Kenya ayaa hakisay duulimaadyadii uga imaanayay dalka Talyaaniga sababo la xiriira cabsi laga qabo cudurka caalamka oo dhan gilgilay ee Coronavirus oo dhowaan kiisas ka mid ah laga helay dalka Talyaaniga.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in la joojiyay duulimaadyadii uga imaan jiray Talyaaniga, gaar ahaan kuwii tooska uga imaanayay waqooyiga Talyaaniga.

Mutahi Kagwe Wasiirka Caafimadka Kenya ayaa si gaar ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen duulimaadyadii ka imaanayay magaalooyinka Verona iyo Milan ee imaanayay magaalooyinka xeebaha ee Kenya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii ay ka wada hadleen dowladda Kenya iyo safaaradda Talyaaniga ee Nairobi.

Dalxiisayaal u dhashay dalka Talyaaniga ayaa taga magaalooyinka xeebta ku yaala ee Talyaaniga, waxaana la sheegaa in Talyaaniga ka mid yahay dalxiisayaasha ugu badan ee yimaada Kenya.

 

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com