Kenya: “Waxaan joojineynaa dhammaan duulimaadyada Nairobi iyo Muqdisho”

Kenya: “Waxaan joojineynaa dhammaan duulimaadyada Nairobi iyo Muqdisho”

Warbixin ay soo saartay balse aan si rasmi ah loo shaacin maanta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha UN-ka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah inay u adeegsadaan duulimaadyadooda bani’aadamnimo waxyaabaha kale ee mamnuuca ah.

“Wasaaraddu waxay ogaatay in si khaldan loo adeegsaday duulimaadyada bani’aadamnimada ee labada dhinac iyo arrimo siyaasadeed oo liddi ku ah go’aankii 11-kii Maajo, NOTAM oo ay soo gudbisay Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA),” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay hadda kadib kormeer ku sameyn doonto dhammaan rakaabka iyo badeecadaha ay soo raraan hay’adaha UN-ka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ka hor inta aysan ka dhoofin Nairobi oo ay aadin Soomaaliya.

“Duullimaadyada bani’aadamnimada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale waa inay wasaaradda u soo gudbiyaan liiska rakaabka iyo badeecadaha loo qaadayo Soomaaliya si looga sifeeyo waxyaabaha mamnuuca ah,” ayay tiri wasaaraddu.

Sida laga soo xigtay NOTAM, Kenya waxay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ganacsiga iyo kuwa xamuulka ee tagaya ama ka tagaya Soomaaliya marka laga reebo duulimaadyada gargaarka ee Adeegyada Hawada ee Qaramada Midoobay, duulimaadyada mevac, iyo howlaha gargaarka bani’aadamnimo.

Duulimaadyada ay saameynta ku yeelatay hakinta waxaa ka mid ah African Express Airways (XU, Nairobi Jomo Kenyatta), Freedom Airline Express (4F, Nairobi Wilson), Jubba Airways (Kenya), Ocean Airlines (Somalia) (Muqdisho) iyo diyaaradaha xamuulka ee Astral Aviation (8V) , Nairobi Jomo Kenyatta), Skyward Express (OW, Nairobi Wilson) iyo Safe Air (K3, Nairobi Jomo Kenyatta).

Soomaaliya ayaa 6-dii bishii May ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Kenya kadib markii ay xiriirka u jartay bishii December, iyadoo ku eedeysay Nairobi inay faragelin ku hayso arrimaheeda.
Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay 15-kii Diseembar ka dib markii Kenya ay martigelisay hoggaanka Somaliland, oo ah dal ka go’ay oo aysan aqoonsaneyn dowladda dhexe ee Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com