Khasaaraha Isra ka soo gaaray dagaalkii Iran oo tartiib-tartiib u soo shaacbaxaya

Khasaaraha Isra ka soo gaaray dagaalkii Iran oo tartiib-tartiib u soo shaacbaxaya

Warar hordhac ah oo ka soo baxay sir-jabsi lala beegtay Isra ayaa sheegaya in laga dilay 6 janaraal, 32 sirdoonka dibadda ee Mossad, 78 sirdoonka gudaha ee loo yaqaan Shin Bet, 27 ciidamada badda, 198 ciidamada cirka, 462 askari, iyo 423 oo dad shacab ah. Khasaaraha difaaca cirka ee loo yaqaan Iron Dome ayaa isna lagu qiyaasay $11 bilyan USD oo aan weli la aqoon waxa laga yeelayo.

Warbaahinta ‘Times of Israel’ oo ayana heshay warar hordhac ah ayaa daabacday in 30 sarkaal iyo 11 saynisyahan la dilay, kuna sii dartay ‘Iran kaliya ma ay muujin in meel walba oo ay rabto oo Israa’iil ku taal ay dhulka dhigi karto, ee waxay kale oo muujisay in timaadada aysan jirin wax difaac oo Israa’iil ka badbaadin kara duqeynta Iran.”

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com