Mandheera, Oct 25 2016-Warbixin kooban oo lagu shaaciyey baraha internetka ee ururka Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay lagu qaadat hotel kuyaal magaalada Mandheera.
Alshabaab waxa ay sheegtay in weerarku u dhacay sidii loogu talagalay lalana beegsaday dad haysta diinta Masiixiga oo halkaasi lagu laayey, sida ay warbixinta ku xustay Alshabaab.
Weerarka lagu qaaday hotelka Bisharo Lodge ayaana la weeraray oo lasheegay inay kudhinteen ilaa afar ruux iyadoona 10 kale kudhaawacmeen, walow Alshabaab sheegatay khasaare badan oo ay dib kasoo sheegi doonto.
DALJIR WARAR SUGAN IYO WACAAL DARAY AH
COMMENTS