KHAWAARIJTA: SIDA UGU SAHLAN EE LOOGA GUULAYSAN KARO

KHAWAARIJTA: SIDA UGU SAHLAN EE LOOGA GUULAYSAN KARO

KHAWAARIJTA: SIDA UGU SAHLAN EE LOOGA GUULAYSAN KARO
Farah Aw-Osman – awosman@gmail.com

Tan iyo intii buburka dowladnimadii Soomaaliya dhacay waxaa dalka ku soo xoogaysanayay xagjir wejiyo badan ah kuwaas oo ragaadiyay dalka, kana hor taagan in Soomaaliya nabad hesho dibna u hanato dowladnimadeedii. In kastoo kooxaha caqabad ku ah Soomaaliya ay fara badan yihiin, hadana, labada xagjir ee ugu halista badani waa xaqjirka qabiil iyo xagjirka diineed.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay tahay beelo isu tegay, xagjirka qabiilku maaha mid ku cusub, balse, wuxuu ahaa mid mid la nool kuna dhex milmay dhaqanka Soomaaliyeed ee reer-Guuraga ku salaysan. Laakiin, waxa ku cusub oo ay la kufaa dhacaysaa maanta waa xagjirka diimeed.

Sidaa awgeed, maadaama aanan hal qormo kusoo wada koobi karin labada xagjir, waxaan qormadan kaga hadli doonaa oo qudha xagjirka Diimeed iyo sida looga guulaysan karo.

Sooyaalka Xagjirka Diimeed:

Xagjirka diimeed inuu dhasho waxaa sabab u ahaa burburkii ku yimid Qaranimadii iyo
Midnimadii Soomaaliyeed, kaas oo ay asbaabteeda lahaayeen Jabhadihii Xagjirka Qabiil
xambaarsanaa, kuwaas oo inay dowladii jirtay ridaan maahee aan wax qorshe badiil ah
wadan.

Xagjirka diimeed ee Soomaaliya maaha mid dhawaan bilaabmay, balse, waxaa dad baan oo taariikhda Soomaaliya iyo mida dhaqdhaqaaqyada diimeed wax ka qoraa aaminsan yihiin in xagjirkii ugu xooga badnaa uguna horeeyay ahaa Halgankii Daraawiishta uu hogaanka u hayay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Dad badan ayaa laga yaabaa inay dood ka keenaan arintaasi, halgankii Sayidkana u arkaan mid Jihaad iyo wadaniyadeed oo looga soo horjeeday guumaysigii naga diinta iyo dubka duwanaa ee dalka kusoo duulay. Waa run in halgankaasi sifooyinkaas xambaarsanaa, laakiin, waxaa hareer socday tacadiyo iyo calaamado badan oo lagu garto xagjirka diimeed kaas oo lagula kacay shacab badan oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, sida:

• Takfiirinta ama dadka oo la gaalaysiinayo
• Dhiiga qofka and koox (Qabiil) Muslim ah oo la banaysto
• Dhac iyo baad loo gaysto bulshada, laguna xalaalaysto xoolahooda.
• Cirib tir, xasuuq iyo qax loo kacay beelo aad u faro badan oo Soomaaliyeed.

Sii Akhri: Sida ugu haboon ee looga adkaan karo xagjirka

>Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com