Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa maant aad loo adkeeyya xili uu ku soo wajahanyahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad looga dareemayaa magaalada Dhusamareeb waxaana la adeekayay ammaanka goobaha muhiimka ah ee magaalada Dhuusa-Mareeb,iyada oo shalay gelinkii dambe wefdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha ay halkaasi gaareen.
Marka uu Dhuusa-Mareeb gaaro Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlu-sunna Wal-jamaaca iyo qeybaha kala duwan ee bulshadakala si looga hadlo dhismaha maamulka Galmudug.
COMMENTS