Khilaafka kuraasta siyaasiyiinta gobolada Waqooyi oo sii xoogaystay & Dadaallo lagu xalinayo khilaafka oo socda

Khilaafka kuraasta siyaasiyiinta gobolada Waqooyi oo sii xoogaystay & Dadaallo lagu xalinayo khilaafka oo socda

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waddo dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Hoggaanka Guddiga doorashada Somaliland oo ay isku hayaan labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in arinta loo rogi doono mid si hoose loo xaliyo, islamarkaana labada dhinac ay kala qaataan labada Masuul ee ugu sareysa guddiga.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay dadaalladaan oo loogu gol leeyahay in xal buuxa looga gaaro khilaafka.

Afar ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ee ka yimid dhinaca Cabdi Xaashi ayaa xalay diiday inay ka qeyb galaan doorshada Hoggaanka Guddiga oo maanta lagu waday inay ka dhacdo Afisyooni.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com