KHILAAFKA SUCUUDIGA & IMAARAADKA OO MEEL DARAN KA DEGANAYA

KHILAAFKA SUCUUDIGA & IMAARAADKA OO MEEL DARAN KA DEGANAYA

KHILAAFKA SUCUUDIGA & IMAARAADKA OO MEEL DARAN KA DEGANAYA

Wargeyska Sucuudiga ee Al-Jazirah.com: “Imaaraadka Carabtu waa ku weynyahay qalbigeena, laakiin …”

Waxaa ka sii daraya khilaafka daran ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka, kaas oo hadda maraya in warbaahinta farriimo la isaga diro. Wargeyska al-Jazirah ee ka soo baxa Boqortooyada Sucuudiga ayaa qoraal dheer ka qoray xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo sida Sucuudigu ugu hagarbaxay in Imaaraadku xorriyad ka helaan Ingiriiska, iyo waliba dhanka hormarka iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexayn jiray madaxda labada dal.

Wargeyska oo ka gudbaya taariikhdii hore, kana warramaya xaalka maanta ee madaxda Imaaraadka ayaa ku eedeeyey in Abu Dhabi ay saldhig u noqotay Yhda.

Wargeyska oo arrinkaas falaanqeynaya ayaa ku bilaabay, “Imaaraadku waa ciidan qarsoodi ah oo Israa’iil, laguna dhex beeray dunida Carabta, Israa’iilna ay aad ugu rajo weyntahay in ay kaga adeegato Boqortooyada Sucuudiga iyo dalalka waaweyn ee Carabta, taasina waa khiyaano ka dhan ah Alle, Rasuulkiisa iyo guud ahaan dunida Islaamka oo ay ku kaceen madaxda Abu Dhabi!

Wargeyska oo si qoto dheer ugu warramaya khilaafka taagan iyo wanaagga ka dhexeeya labada shacab ayaa qoray, “Iyadoo ay jiraan xiisado daran oo ka dhex taagan Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan arrimaha la xiriira koonfurta Yemen, waxaa lama huraan ah in la kala saaro xiriirka guud ee Boqortooyadu la leedahay Imaaraadka iyo mowqifka Boqortooyada ee ku aaddan dhaqamada Abu Dhabi. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la kala saaro mowqifka Boqortooyada ee siyaasadaha Abu Dhabi iyo xiriirka walaaltinimo iyo midnimada ah ee ka dhexeeya shacabka Boqortooyada Sucuudiga iyo shacabka Imaaraadka Carabta.”

Wargeyska oo ka warramaya salka khilaafka, eedana dusha ka saaraya Abu Dhabi, ayaa qoray, “Masayrka iyo hinaasaha daran ee Abu Dhabi u qabto Boqortooyada Sucuudiga ayaa salka ku haya waxa Eebbe uu Boqortooyada ku mannaystay ee kala ah: labada Masjid ee barakeysan, Kacbada, iyo maqaamka sare ee ay ku leedahay dunida Muslimka iyo guud ahaan dalalka caalamka. Waxaa kale oo intaas dheer khayraadka dabiiciga ah ee aadka u badan iyo dhulka baaxadda leh ee Alle ku manaystay Boqortooyada. Waxaa intaas sii dheer hinaasaha ka dhashay isbeddellada waaweyn ee uu horseeday Aragtida 2030 ee Dhaxal‑sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed bin Salmaan, iyo guulaha dhaqaale, maamul iyo bulsho ee aan hore loo arag ee ka hirgalay Boqortooyada, kuwaas oo indhaha ka jeediyey wax kasta oo Abu Dhabi ku faani jirtay, isla markaana maalgashi iyo dalxiis badan uga soo jiitay Imaaraadka una wareejiyey Boqortooyada.”

Wargayska ayaa ku sii daray in hinaasaha Abu Dhabi iyo Maxamed Bin Zayed uu keenay in uu isku dhiibo Yhda. Wargeyska oo ammuurtaas faahfaahinaya ayaa qoray, “Waa mala‑awaal khaldan oo Abu Dhabi iska dhaadhicisay in jidka ugu sahlan ee ay Boqortooyada uga aargoosan karto, laguna daweeyo hinaasaha iyo cuqdadda ay ka qabto Boqortooyada uu yahay in ay isku dhiibaan Yhda, ayna noqdaan askar qarsoon oo u adeega danaha Israa’iil, ugana dhex shaqeeya dunida Carabta … laakiin Israa’iil waxay ku socotaa burbur degdeg ah, ummaddaana way sii jiri doontaa, haddii Eebbe idmo.”

Wargeyska oo ka warramaya siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa qoray, “Dhanka Soomaaliya, waxay sameeyeen wax kasta oo ay awoodeen si ay u kala fogeeyaan waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya, waxayna hay’adaha sirdoonka Yhda u suurtageliyeen in ay cago-dhigtaan Geeska Afrika, taas oo dhab ka dhigtay riyadii Yhda ee ay muddoba ku taamayeen ee ahayd in ay mar un degaan Geeska Afrika si ay gacanta ugu dhigaan marin-biyoodka Bab al‑Mandab, ayna u dhammeystiraan go’doominta Masar iyo Boqortooyada Sucuudiga. Taasina waa ujeedada dhabta ah ee Yhdu u marayso intaas oo khiyaano.”

Wargeyska oo ka warramaya dukumentiyo ay ilaha dahsoon ee WikiLeaks soo bandhigtay ayaa qoray, “Dukumentigu wuxuu muujinayey in Abu Dhabi ay damacsantahay in ay isticmaasho goobaha milatari ee Yemen, Eritrea iyo Soomaaliya — oo ay ku jiraan Mocha, Casab, Berbera iyo Basa — si ay ugu noqdaan saldhigyo waaweyn oo Israa’iil ay u yaaliin qalab, rasaas iyo sirdoon. Wargeyska Israa’iil ee Jerusalem Post ayaa xaqiijiyey arrimahan warbixin uu daabacay 13‑kii Janaayo 2026, oo uu diyaariyey qoraaga Israa’iiliga ah Mathilda Heller, cinwaankuna ahaa: ‘Imaaraadka Carabtu waxay la wareegeen saldhigyo milatari oo ku yaal Badda Cas si ay Israa’iil uga caawiyaan dagaalka ay kula jirto Xamaas.’

Intaas oo hagardaamo oo Imaaraadku la beegtay Sucuudiga iyo dalalka Islaamka, Wargeyska ayaa ku soo gabagabeeyey, “Boqortooyada Sucuudigu waxay waligeed ahaan doontaa walaal daacad u ah Imaaraadka, shacabka Sucuudiguna waxay ahaan doonaan walaalaha Imaaraadka. Laakiib ceeb iyo dullinimo waxay dusha ka fuuli doonaan cid kasta oo ka leexata jidka xaqa ah, waayo ‘Eebbe amarkiisa un baa fulaya, hase yeeshee dadka intooda badan intaas ma oga.”

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com