Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar ku ekeeyay guriga u Kismaayo ka dagan yahay guddoomiye guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Buule.
weerarkan waxaa ku dhaawacmay sida ay laamaha amnigu xaqiijiyen labo ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha.
Ciidamada amniga Jubbaland ayaa saaka bilabay howlgalo lagu baadi goobayo ragii weeerarka soo qaaday oo markiiba goobta ka baxsaday.
Saraakiisha laamaha amniga waxa ay sheegeen in ay ciidamadu howlgalka ay kusoo qabteen dad looga shakiyay weerarkan in ay ku luglahaayeen .
Magaalada Kismaayo maalmihii udambeeyay waxaa ku soo kordhayay falal lid ku ah amnigamagaalada, waxaana ka dhacay magaalada qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS