Kismaayo oo laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato

Kismaayo oo laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu soo saartay amar lagu mamnuucayo hubka lagu dhex qaato gudaha magaalada Kismaayo.

Amarkan ayaa soo baxay xilli la filayo in dhawaan lagu qabto magaalada Kismaayo doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya ee laga doorto Jubbaland.

Kulan ay yeesheen Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad Sugidda Jubbaland ayaa laga soo saaray Awaamiirtaasi ka dhanka ah hubka lagu dhexqaato magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid waliba oo jabisa amarkaasi, waxaana Ciidanka iyo sidoo kale ilaalada mas’uuliyiinta uu ugu baaqay in hubka aysan lasoo dhaafin goobaha loogu tala galay, maaddama degaanada maamulkaasi ay ka bilaaban doonta Doorashada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com