Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoontay danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalkaas, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika.
Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa ka hada-hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dowladood ee soo jireenka ah iyo sido kale dhinacyada u baahan in iskaashi cusub laga sameeyo.
COMMENTS