Kookaska iyo qorshaha cusub ee Turkiga, Israa’iil iyo Mareykanka ee lagu kala dhantaalayo Iran iyo Ruushka
Soomaaliya maxay kala mid tahay, maxay se kaga duwantahay?
Maqaalkeenii shalay ee Kookaska waxaan ku bayaaminay qorshaha cusub ee Mareykanka, Israa’iil iyo Turkigu ay rabaan in ay u dhigaan Iran iyo Ruushka ayaga oo istcimaalaya Azerbaijan iyo Armenia. Labada dal ee Azerbaijan iyo Armenia waxaa ka dhexeeya colaad adag oo marka laga tago muranka dhulka waxaa jira deegaan la yiraahdo ‘Zangezur Corridor’ oo Armenia leedahay laakiin labada dhinac (arag maabka) ay ka xigaan Azerbaijan oo dhanka koonfur galbeed xudduud kala leh Turkiga. Turkiga, Mareykanka iyo Israa’iil waxay rabaan in deegaankaas lagu xiro kan Turkiga, meesha la isaga xirayana uu Mareykanku maamulo.
Haddaba waa maxay muhiimadda marinka Zangezur Corridor? Si aad u fahamto muhiimadda, ku laabo qoraaladii Daljir ee marinka cusub ee Iran hirgalisay ee la magacbaxay ‘North-South Transport Corridor’ ee si toos isugu xiraya Ruushka iyo Iran dhanka Badda Caspian iyo dhanka dhulkaba. Waxaa kale oo Iran hirgalisay tareenka Iran illaa iyo Shiinaha. Labada qorsheba waxay lid ku yihiin nidaamka cunoqabateynta ee Mareykanku hormuudka u yahay, laakiin labada marin ee cusub ee Ruushka, Shiinaha, Iran iyo inta ku xiran waxay suurtagalinayaan in ay reer Galbeed oo dhan ka kaaftoomaan. Hase yeeshee Mareykanka iyo Israa’iil taas ma oggola, waana sababta loo rabo in ay la wareegaan Zangezur Corridor oo noqon doonaa isbaaro kala xirta Ruushka, Iran iyo Kookasiska oo dhan.
Maalin kahor waxa uu Trump miiska soo saaray talo soojeedin in Armenia ay marinkaas ku wareejiso kambani Mareykan ah oo toos u maamulka marinka (arag sawirka iyo qaybta falceliska). Weli jawaab lagama hayo Armenia, laakiin Azerbaijan waaba qorsheheeda in Turkiga iyo Azerbaijan la isku furo si shidaalka u socda Israa’iil oo tuubooyinkiisu hadda maraan dalka Georgia uu toos u dhexmaro Turkiga.
Qorshaha Turkiga ayaa ah sida Mareykanka iyo Ingiriiskuba aqbaleen in Turkigu la wareego dhammaan dalalka qowmiyaha Turkic ee daadsan Kookaska illa iyo koonfurta Ruushka. Si qorshahaas u hirgalana xeeldheerayaasha siyaasadda gobolku waxay saadaalinayaan marka hore la abbaaro Iran si lamid ah sidii Suuriya loo abbaaray oo qowmiyadaha Turkic ah ee xagjirka la hubeeyo, meeshii la rabo loo diro, wixii Suuriya aaday badankooda la soo celiyo, laguna xijiyo dagaal Azerbaijan iyo Iran oo la bilowda dagaalka wareegga labaad ee Israa’iil iyo Iran.
Ciidamada Turkiga ayaa la sheegay in ay wadaan tababaro lamid ah kuwii Suuriya oo lagu hubaynayo xagjirka qowmiyadaha Turkic ee bartamaha Aasiya iyo Kaakasiska.
Ruushka iyo Iran ayaa qorshaha cusub ee Mareykanka aad uga soo horjeeda, laakiin haddii Armenia ogololaato in qayb dalkeeda kamid ah Mareykanku la wareego lama hubo waxa Iran iyo Ruushku ay ka yeeli karaan.
Iran oo ah gunta isku xirta ammaanka Ruushka iyo Shiinaha ayaa la saadaalinayaa haddii la burburiyo, dhan dagaal ama dhan kala qaybin, in ammaanka Shiinaha iyo Ruushkuba wajihi doonaan khatar horleh.
Wiiqanka awoodda iyo dhaqaalaha reer Galbeedku waxa uu adduunka qarka u saaray gumeysi cusub oo safka koowaad ee dagaalku yahay madaxda dalalka la rabo in la kala dhantaalo, oo dal walba loo helo Zelensky, Aliyev ama Pashiyan oo kale, oo Ameerika iyo Yurub aysan marnaba xabbad ridin laakiin ay helaan nin dadkiisa sida xaabada oo kale ugu shida danaha reer Galbeedka.
Markii aad fiiriso waxa Soomaaliya ka socda, Soomaaliya maxay kaga duwantahay Ukraine, aan ka ahayn xaabada la shidayaa waa Soomaali la socota reer Galbeedka vs Soomaali reer Galbeedku soo dirsadeen?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS