Koonfur Afrika: Meydadka muwaadiniin Soomaali ah oo laga helay Goobahooda Ganacsi

Koonfur Afrika: Meydadka muwaadiniin Soomaali ah oo laga helay Goobahooda Ganacsi

Meydadka Labo Muwaadin oo Soomaali ah ayaa saakay laga helay dukaankooda oo lagu gubay Tuulo hoos timaada magalada Queenstown ee Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Sida ay ino xaqiijiyeen qaar kamid ah Soomaalidii gaartay dukaanka ay labada Muwaadin ku Geeriyooday ayaa sheegay in Muwaadiniinta lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdi Saneey iyo Cabdi Mohamed Aadan

Ma cada ilaa iyo hadda dabka ay ku gubteen waxa uu ka dhashay laakin waxaa loo badinaya in dukaanka lagu gubay labada Muwaadin xili ay jiifeen

Laamaha amaanka ee dowlada sida booliska, Waaxda dambi baarista iyo sidoo kale waaxda caafimaadka dowlada hoose ayaa haatan baaraya waxa sababay geerida labada Muwaadin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com