Kooxaha mucaaradka koonfurta Suudaan oo dilay saraakiil ka tirsan ciidamada QM ee gobolka Jonglei

Bor, December 20, 2013 – Ciidamada mucaaradka hubaysan ee dagaalka kula jira dowladda koonfurta Suudaan ayaa xoog ku galay xero ay degan yihiin ciidamada Qaramada midoobey ee jooga gobolka Jonglei.

Xerada ay falaagadu gashay oo ku taala magaalada Akobo ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo ka mid ah kuwa Qaramada midoobey, balse iyagu dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka India.

Weerarka ka dhacay xerada ciidamada Qaramada midoobey, waxaa khasaare ka soo gaaray dad rayid ah oo meesha gabaad ahaan u joogay ?tan iyo intii markii rabashaduhu bilowdeen horaantii toddobaadka

Dagaalka ayaa si awood badan ugu fiday gobolka Jonglei ee koonfurta Suudaan, shalay ayaa mucaaradku qabsadeen magaalada Bor oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee dalkaas.

Gobolka Jonglei waa mid hodon ku ah saliida koonfurta Suudaan.

Rabshado iyo dagaalo ayaa ka socda koonfurta Suudaan tan iyo markii uu dhicisoobay afgembi lala damacsanaa xukuumada madaxweyne Silver Kiir, taas oo sanado yar talinaysa tan iyo markii dalkaas uu xornimo ka qaatay dalka Suudaan

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com