Kooxda Alshabaab oo weraar ku qaaday degmadda Qansax dheere ee gobalka Bay

Kooxda Alshabaab oo weraar ku qaaday degmadda Qansax dheere ee gobalka Bay

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay iyadoo dagaalkaana uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada Qansaxdheere oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in 9-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay.

Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfurgalbeed ay sii baacsadeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com