Kooxda Kubadda Cagta Barcelona oo u soo baxday Finalka Koobka Horyaallada Yurub

Arbaco, May 13, 2015 (Daljir) —Kooxda Kubadda Cagta ee Barcelona ayaa u soo baxday xalay finalka koobka horyaallada Qaaradda Yurub ee EUFA Champions League, inkastoo ciyaartii xalay dhexmaray Barcelona iyo Bayern Munich oo ahayd ciyaartii labaad oo dhex-marta labadan kooxood laga badiyay Barcelona.

Naadiga Bayern Munich oo lagu ciyaarayay garoonkeeda ayaa xalay waxay soo bandhigtay ciyaar-wanaag  iyadoo kaga badisay Barcelona oo marti ahayd 3-gool iyo 2-gool, iyadoo kooxda Barcelona ay goolasha badan ku heshay labada gool ee ay ka dhalisay Bayern Munich.

Qaybtii hore ee ciyaarta aysa ciyaaryahan Benatia oo u ciyaara Bayern Munich wuxuu gool u dhaliyay kooxdiisiia daqiiqadii 7-aad, taasoo markiiba hoggaanka ciyaarta u dhiibtay Bayern Munich.

Kooxaha Barcelona ayaa waxaa iyagana gool barbarro ahaa u dhaliyay ciyaaryahankooda Neymar daqiiqadii 15-aad, taasoo ciyaarta ka dhigtay barbar 1-1 ah. isagoo goolka labaad u dhaliyay kooxdiisa, kaasoo quusii ugu dambeysay gaarsiiyay kooxda Jarmalka ka dhisan.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa goolka labaad u dhaliyay Bayern Munich ciyaaryahankooda Lewandowsky isgaoo ciyaarta ka dhigay 2-2. Waxaana ugu dambeyn 3-2 ka dhigay ciyaarta Muller.

Sidaas darteed, Bayern Munich guusheeda garoonkeeda uma suuro-gelin in ay ugu soo baxdo Finalka Koobka. Iyadoo Barcelona ay la ciyaari doonto kooxdii kasoo baxda Juventus iyo Real Madrid oo caawa isku dhaggan.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com