Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku diley weriye Soomaaliyeed

?

Muqdosho Sep 21-2012-Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu dilay Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka howlgalyey Radio Maanta oo ka mid ah idaacadaha ka shaqeeya magaalada Muqdisho.
?
Wariyaha ayaa waxaa toogtay sida ay Radio Daljir u sheegeen saaxiibadiisa shaqada kooxo bastoolado ku hubeysan oo iyagu madaxa ka toogtay xili uu marayey meel ku dhow isgoyska Baar Ayaan oo ay xarunta Idaacadda uu ka howlgallo ku taalo.
?
Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Absuge ayaa waxaa uu mar ka mid ahaa wariyeyaashii ka shaqeynayey ?Muqdisho intii Dowladihii KMGka ahaa dalka ay ka jireen waxaana dilkiisa uu imaanaya waxyar kadib markii ilaa Seddex wariye ay shalay kooxda Al-Shabaab qarax ku dishay.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com