Kulammo xal loogu raadinayo khilaafka Madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo bilaabanaya

Kulammo xal loogu raadinayo khilaafka Madaxweyne Deni iyo mucaaradka oo bilaabanaya

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka puntland ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka billaawdan kulamo xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yo Siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo sababay in lagu dagaalamo Magaalada Garoowe.

Wufuud kala duwan ayaa kusii qul quleysa magaalada Garoowe, waxaana xubnaha gaaray kamid ah, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo ka tegay magaalada Gaalkacyo. Horey waxaa magaalada Garowe u joogay isimada Nugaal, iyo kuwa SSC oo horey mar isugu dayay inay xaliyaan khilaafka Deni iyo mucaaradkiisa, balse ay socon weyday.

Dhinaca kale, siyaasiyiin ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa laftooda Maanta soo gaaray Garowe, waxaana la filayaa inay qeyb ka qaataan xal raadinta mushkiladda siyaasadeed ee ka jirta Puntland.

Waxaa la filayaa in kulamada Isimadu kaga hadli doonaan Siyaasiyiinta sidii loo dhamayn lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxweynaha Puntland iyo mucaaradka, waxaana la filayaa in talooyinka ay soo jeediyaan ay noqon doona kuwa xal u noqon doona muranka ka taagan doorashada Puntland.

Khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo furista dastuurka Puntland ayaa weli ka taagan magaalada Garoowe, waxaana dad badan ay saadilanayaan in kulamadaan soo socda xal looga gaari doono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com