Kulanka Bin Salmaan & Erdogan ee Riyaadh iyo hanaqaadka Isbahaysiga Bariga Dhexe

Kulanka Bin Salmaan & Erdogan ee Riyaadh iyo hanaqaadka Isbahaysiga Bariga Dhexe

Kulanka Bin Salmaan & Erdogan ee Riyaadh iyo hanaqaadka Isbahaysiga Bariga Dhexe

Sucuudiga iyo Turkiga ayaa hormuud u noqday isbaddal ballaaran oo la filayo in uu ka hanaqaado Bariga Dhexe iyo waliba Geeska Afrika. Isbaddalka ayaa ku saleysan Isbahaysi reer Galbeedku u bixiyeen NATO-da dunida Islaamka oo Sucuudigu hormuud u yahay, xubnana ay ka yihiin Turkiga, Pakistan iyo Masar. Isbahaysiga ayaa sheegay in ay si cad uga soo horjeedaan qorshaha Imaaraadka iyo Israa’iil ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Isbadalka Bariga Dhexe ayaa ka bilowday Yaman kaddib markii Sucuudigu uu Imaaraadka ku amray in ay 24 saac gudahood kaga baxaan Yaman. Waxaa ku sii xigay adkeynta midnimada Soomaaliya, Sudan iyo Libya, iyo soo afjarida qalalaasaha dalalkaas oo lagu eedeeyey in Imaaraadka iyo Israal ay ka danbeeyaan.

Kulanka maanta ee Riyaadh ee Bin Salmaan iyo Erdogan ayaa la filayaa in uu sii xoojiyo qorshaha Isbahaysiga.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com