Xiligaan oo kale magaalooyinka saaran badda Cas ayaa waxaa kajirta kul aad u daran , magaalada Bosaso oo ka mid ah magaalooyinkaasi waxa aad u kordha baahida dadwaynuhu ay u qabaan helitaanka koronto kufilan oo 24saac ah.
Wakaaladda xoogga korontada ee Umadde Eneye Bosaso ayaa sheegtay inay hirgalisay qorshayaal horumarineed oo ay ku daboolayso baahida koronto ee shacabka , iyadoona hirgalisay matooro waawayn oo dab ku filan siiya 24saac xaafadaha magaalada Bosaso.
Guleed Abshir Muse oo ah agaasimaha Eneeye Bosaso ayaa radio Daljir uga waramay qorshayaal dhanka horumarinta oo ay wakaaladda ku talaabsatay , isagoona dhanka kale ka raali geliyay shacabka xaafadaha qaar oo koronto la’ aan ka cabanayay dhowaantan , taasi oo ay wakaaladdu ay xalisay.
DHEGAYSO
COMMENTS