Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane H E Ali Dahir Eid ayaa Kormeer ku tagay Wasarada Maaliyada Dowlada Galmudug oo ka mid ah Wasaradaha ugu muhiimsan
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa Wasiirka Wasarada Maaliyada Galmudug Mudane Farhan Ali iyo Masuliyinta kale ee Wasarada ka dhagaystay Waxqabadka Wasarada , waxa u qorshaysan Sanadkaan iyo Caqabadaha haysta.
Madaxweynaha iyo Howlwadeenadi la socday waxay mid mid u kormeeren waxay aha Wasarada ee kala ah
1- Waaxda Shaqaalaha (HR)
2- Waaxda Hantidhowrka Gudaha (Wasaaradda Maaliyadda)
3- Waaxda Canshuuraha iyo Dakhliga Guud
4- Waaxda Miisaaniyadda
5- Waaxda Maamulka Maaliyadda ee WM
6- Waaxda Dhaqaalaha (Macro-Fiscal Department)
7- Waaxda Maamulka Qasnadda Dhexe
Waaxda Iibka (Procurement)
8- Waaxda Maamulka Kaalmada dibedda (External Assistance)
Madaxweynaha waxaa u faray Wasiirka in
La xoojiyo waaxda Asset Registration ka sidaas si la mid ah Wasaradaha kale waxa la faray in ay Wasarada Maaliyada ka diwaan galiyaan dhaman hantida Dowlada ee aan Diwaangashnayn Sida Ceelasha Biyaha,Gadiidka,Xarumaha Waxbarashada iyo Xarumaha Caafimaafka iyo wixii la mid ah
Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug H E Ali Dahir Eid ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada uu booqday, isagoona ku amaanay shaqada adag ee ay bulshada ugu hayaan, wuxuuna kula dardaarmey in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda shaqo.
COMMENTS