Laamaha amniga Caabud-waaq oo degniin u jeediyey dadka hubka sharci darrada ah qaata (Dhegeyso)

Caabudwaaq, September 17, 2013 – Hay?adaha amaanka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa bilaabay howl-galo dhanka amniga ah, weliba xiliyada habeenkii.

Taliyaha qeybta booliska degmada Caabudwaaq Gaashaanle sare Faarax warsame Cilmi (Galan-gooli) oo u waramyey idaacada Daljir ayaa sheegay in ay howgalo amni sugid ah ay ka bilaabeen degmada iyagoo qabtay dad kala duwan oo eedeysan.

Faarax Galan-gooli waxaa uu degniin u jeediyey dadka hubka sharci darrada ah ku dhexqaata degmada xiliyada habeenkii iyo xataa maalintii, isagoo arintaas ka hadlayey ayuu shaaciyey in ay talaabo ka qaadi doonaan cidii lagu qabto falal noocaas ah.

? Gudaha Caabudwaaq uma ogolaan doono in lagu dhex arko cid wadata gaadiid iyagoo aan sharciga dareewalnimo haysan, talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa waana ku raad joognaa? ayuu yiri Faarax oo la hadlayey Daljir.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Maxamed Cabdulaahi Xasan (Dayuurad) oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Taliye Galn-gooli

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com