Laamaha Amniga Galmudug oo Gacanta ku dhigay Gawaari Agab kala duwan u siday Al-Shabaab

Laamaha Amniga Galmudug oo Gacanta ku dhigay Gawaari Agab kala duwan u siday Al-Shabaab

Ciidanka Booliska Magaalada Gaalkcyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay labo gaari oo Nooca Homeyda ah, kuwaas oo la sheegay inay Agab kala duwan u wadeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Gawaarida ay wadeen Agab isagu jira Daawo iyo Cuntooyin kala duwan laguna qabtay Baraha kontarool Ee Gaalkcyo xili ay u socodeen degaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Saraakiishu ma sheegin tirada dadka lag qabtay Gawaaridaas ee waday, hayeeshee ay sheegeen inay hadda wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira Goobaha ay ka yimaadeen Gawaarida iyo meelaha ay sida gaarka ah ugu socdeen.

Laamaha Amniga Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan Agabyada kala duwan ee loo wado degaannada ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkan lagu qabtay Gawaarida Daawooyinka iyo Cuntooyin kala duwan u waday Al-Shabaab ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xilli degaano badan oo katirsan Galmudug uu ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com