laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

Ciidamada Booliiska ka howlgalla degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo Hubeysan kuwaas oo taliska booliisku sheegay in ay ahaayeen Burcad dadka dhacaysay.

Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta u sheegay in raggaan la qabtay iyaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira,isla markaana sharciga la horgeynayo.

Sidoo kale Taliska Booliska Gobolka Banaadir waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geysanaya Shacabka Muqdisho.

Dadka kunool Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ayaa bilihii la soo dhaafay aad uga cabanayay Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay, kuwaas oo qaarkood ay qabteen Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com