laamaha Amniga Soomaaliya oo howlgal ku baadi goobaya Nin dil geystay

laamaha Amniga Soomaaliya oo howlgal ku baadi goobaya Nin dil geystay

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada howlgallo ay ku baadi goobayaan Nin degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud shalay ku dilay Taliye Kuxigeenka Nisa Ee Galmudug iyo Walashiis.

Ninka dilka geystay oo katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa u baxsaday meelo kamid ah degmada Cabudwaaq, waxaana Ciidamada ay howlgalllka ka wadaaan Gudaha Dagamada iyo Daafaheedaba

Saraakiisha howlgalka kujira ayaa sheegay in aysan garab wada Shaqeyneyd kahelin Bulshada Dagmada Caabudwaaq taas oo keentay in aysan weli gacanta ku dhigin Askarigii dilka u geystay taliyaha.

Dhinaca kale waxaa xalay lagu aasay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Gal-gaduud Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nanadsugida qeybta Galkudug & Walaashiis, sidoo kale Walaalkiis iyo Nin kale oo ay waraabe ahaayeen, kuwaas oo xilli ay u socdeen Aaska Taliye kuxigeenka iyo Walaashiis shilka gaari ay ku dhinteen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com