Laascaanood: Ciidamada Soomaaliland oo weerar ku qaaday Hotel Cusub oo magaalada laga furay

Laascaanood: Ciidamada Soomaaliland oo weerar ku qaaday Hotel Cusub oo magaalada laga furay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee maamulka Somaliland ayaa goordhawayd waxa ay weerar ku qaadeen oo ay la wareegeen Hotel Cusub oo dhawaan laga furay magaalada.

Ciidamada ayaa isku gadaamay Hotel lagu magacaabo Peace,kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku socday howlo dhismo ah, hayeeshee lasoo Gaba-gabeeyay maanta.

Wararka ayaa sheegaya in Hotelka laga taagay dhowr Calan oo kala duwan, Balse la dejiyay oo kaliya Laba Calan oo kala ah kan Soomaaliya iyo midka Kenya, waxaana Ciidanka ay dhulka dhigeen labada Calan ee surnaa Hotelka.

Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay sidookale xabsiga dhigeen Wariyeraal ku sugnaa Hotel Peace, kuwaasi oo doonayay inay tebiyaan Munaasabadda lagu daah-furayay Hotelka Cusub.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com