Laascaanood, xuska 1da Luulyo iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

Laascaanood, xuska 1da Luulyo iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

Xuska sannadguurada 63aad ee ka soo wareegtey midowgii ummadda Soomaaliyeed ayaa magaalada Laascaanood si weyn looga xusay taas oo Somaliland ku noqotay falaadh kale oo ku taagan. Xildhibaano ka soo baqoolay Garoowe oo ka tirsan labada aqal ee dawlada Federaalka Soomaaliya uuna horkacayey Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade, madax dhaqameed iyo masuuliyiinta SSC ayaa ka qaybgalay xafladda Laascaanood.

Bilaabashadii xafladda ayey madaafiic Somaliland ku bilaabeen iyagoo bartilmaameed ka dhigtay Dawladda Hoose ee Laascaanood oo ay filayeen in xafladda lagu qabto, balse filashada Guddiga Qabanqaabada ayaa u wareejiyey goob ka ammaansan oo ah Hotel Casuura oo ku yaala waqooyiga magaalada.

Duqa magaalada oo furitaankii hadal ka jeediyey ayaa si aad ah ugu dheeraaday dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, in mustaqbalkooda ay u tashadeena wuu xusay iyo marna in aanay ka noqon doonin go’aamadooda oo ay guula ay ka gaadhayaan ayuu Cabdikariin Cali Qase sheegay

Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya oo halkaas asna ka hadlay ayaa waxa uu dadka degaanka ugu hanbalyeeyey guusha ay gaareen in ay sii adkaystaana waa ku dhiirigeliyey. “Madaxda dhaqanka waxaan leeyahay dedejiya dhismaha maamulka 45ta ah,” ayuu yidhi Timacadde isagoo intaa raaciyey in dhankooda ay jawaab ka keenayaan, wixii ay xaq u leeyihiina ay ka helayaan.

DIYAARGAROW DAGAAL

Diyaargarow xooggan ayaa ka socda magaalada Laascaanood iyadoo labada dhinac ay wadaan gaadiid dagaal iyo ciidan ku soo qulqulaya dhinacyada qoryaha lays kula horfadhiyo. Somaliland iskuday qorshaysan ayey horraantii todobaadka ku soo qaadeen ciidamada SSC ee dhinaca waqooyi, dagaalkaas oo saddex jeer lays ku soo rogaalceliyey ayey Somaliland faromadhan kala dareereen. Dagaalkan oo ahaa kii ugu qasaaraha yaraa dhinac SSC oo 1 qof ayaa ku dhintay, 12 ayana waa ay ku dhaawacmeen. Dhanka Somaliland, inkasta oo ay iyagu tiro ahaan sheegeen dhimasho 5 ruux, haddana waxaan qarsoomin meyd illaa hadda daadsan halkii dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamada Somaliland oo lugaynaya degaanka Lafweyn oo waqooyi kaga beegan Laascaanood afartameeyo mayl ayaa baadiyaha lagu arkay, kuwaas oo dadka deegaanka u sheegay in ay soo baxsadeen, reerohoodiina ku socdaan. Arrintan ayaa xaqiijinaysa warar ay dadka reer guuraaga ahi sheegi jireen oo ah in ciidamo Somaliland oo fakad ah ay arkaan, waana ta ciidankii loo yaqaaney ‘Ciidamada Qaranka’ haatan ciidamo beeleedyo loo bedeley.

Dhanka kale, madaxda SSC ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii ay naawilayeen in Muuse Biixi uu garqaadasho keeno, haatan wixii ka danbeeyana ay iyagu weerar yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadkan waxaa la filayaa in dagaalo adag ay dhacaan, iyadoo haatan labada dhinac awoodoodu ay u muuqato in ay isdhaafayso oo dhinaca Somaliland laga taag roonyahay, waxaana xaqiiqo ah in jaanisyo badan Somaliland ay ka qasaareen iyagoo aaminsanaa in ciidamada SSC ay kala tegayaan marka ay muddo joogaan, taas oo noqotay riyo aan Somaliland u rumoobin.

AMMAANKA LAASCAANOOD

Magaalada Laascaanood oo dadka gudaheeda haatan ku sugan 90% ay hubaysanyihiin, maandooriyaha khamriguna uu dhawaan oodaha ku soo goostay ayaa todobaadkan isbeddel weyn laga dareemayaa, kaddib markii Ciidanka Booliska ay fahmeen waddooyinka uu magaalada ka soo galo, dad badan oo ka ganacsan jireyna la qabtay.

Ciidan cusub oo boolis ah ayaa maantadan iyo shalayba tababar loogu soo xidhay magaalooyinka Laascaanood iyo Kalabaydh. Ciidamadaan ayaa direys aan horey degaanka loogu arag ku lebisnaa, waana qayb cutubyo ciidamo boolis oo la filayo in ay qayb weyn ka qaadan doonaan sugitaanka ammaanka magaalooyina SSC, siiba gobolka Sool.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood & Daljir Garoowe


Wararkii hore

26ka Juun iyo todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com