Laba Askari oo goor dhowayd lagu dilay Bosaso

Laba Askari oo goor dhowayd lagu dilay Bosaso

Kooxo hubaysan ayaa laba askari oo katirsan ciidamada canshuuraha iyo waddooyinka ee Puntland ku toogtay wadada laamiga ee dhexmara magaalada Bosaso.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay goob bartmaha magaalada katirsan, xilli ay ciidamada ay wadeen baaritaano kusaabsan gaadiidka aan canshuurnayn.

Labada askari ayaa mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Tuutowayne.

Saraakiisha ammaanka ee gobolka Bari oo aan la xiriirnay ayaa u sheegay radio Daljir inay wadaan baaritaano, wixii kasoo baxana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Maalmo kahor ayay ahayd markii qarax lagu tuuray gaari ciidan oo la gelayay geerash lagu cilad bixiyo gaadiidka oo ku yaala xaafadda Afar Irdood ee magaalada Bosaso.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com