Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya QM Ambsador Maxamed Abuukar Cusmaan Baalle ayaa sheegay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha QM iyo guddiga la dagaalanka cuno qabataynta ee saaran Soomaaliya.
Danjiraha ayaa u sheegay idaacadda VOA-da oo waraysi uu siiyay inay ogaayeen xiligii markabka uu ka tagay xeebaha Soomaaliya, kuna sii jiray safarkiisa Ciraaq.
Waxaa uu xusay ganacsato manaxayaal ah inay dhuxusha ka ganacsadaan oo ay u dhoofiyaan dalka.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa horay u joojiyay ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya oo sabab uu uga dhigay inuu xaalufinayo dhirta iyo dhaqaalle ay ka helaan kooxda Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda.
COMMENTS