Laba gabdhood oo gudniinka fircooniga dartiis u geeriyooday Garoowe (dhegayso)

Laba gabdhood oo gudniinka fircooniga dartiis u geeriyooday Garoowe (dhegayso)

Wasiirka wasaarada haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in Isbitaalka Garoowe ay ku geeriyoodeen laba gabdhood oo sixun loogu guday gobolka doolow ,kuwaas oo daryeel caafimaad loogu keenay magaaalada Garoowe .

labadan gabdhood ayaa lagu kala magacaabi jiray Aasiyo oo 11 jir ah iyo khadiijo oo 10 sano jir ahayd , waxayna Wasiiradu ay uga tacsiyaysay Ehelada ay gabdhahan ka baxeen .

Wasiirada ayaa waxa ay sheegtay in kiiskan uu ka dhacay dowladd deegaanka Itoobiya ayna gabdhahan u dhinteen dhiigbax.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com