Wariye Hossam Shabat oo ka tirsan bahda Aljazeera ayaa hadda lagu dilay Gaza kaddib markii gaarigiisa ay si toos ah u beegsadeen ciidamada weerarka ku ah Gaza.
Wariye Shabat oo ogaa in la beegsanayo ayaa hore u yiri, “Waxaan magacayga ku qoraa jidhkayga, anigoo ka baqaya in haddii Is^raa’iil ay I disho, aan noqon doono mid aan la aqoonsan karin. Ma doonayo inaan noqdo jidh aan la garanayn.”
Maxamed Mansour ayaa asna isla maanta lagu dilay duqeyn kale oo Gaza.
Weli waxaa si joogto ah u socdo gumaadka dadka reer Gaza, mana jiro hal waddan oo garabtaagan dadka Falastiin aan ka ahayn Yemen.
> Daljir Media
COMMENTS