Lacag intee le’eg buu Turkigu iyo qoyska Erdogan ka helaan halkii fuusto oo shidaal ah oo laga iibiyo Israa’iil?

Sida ay qortay warbaahinta Turkish Times ee ka soo baxda dalka Turkiga, badi shidaalka Israa’iil wuxuu bayb ahaan ku yimaada Dekedda Ceyhan ee Turkiga halkaas oo maraakiibta shidaalka ay sii geeyaan dekedda shidaalka Israa’iil ee Ashkelon. Wiilka Erdogan Axmed Burak Erdogan ayaa badi ganacsiga Turkiga iyo Israa’iil qaabilsan, ganacsigaas oo isugu jira shidaal, xaamuulka guud, iyo waliba shamiito. Sida ay qortay warbaahinta Turkish Times, halkii fuusto oo shidaal ah oo loo dhoofiyo Israa’iil waxay Turkiga iyo qoyska Erdogan ka helaan faa’iido dhan $1.27 USD.

Xukuumadda Erdogan ayaa wariyayaasha baara ama ka warbixiya xiriirka qoyska Erdogan iyo Israa’iil xabsiga u taxaaba, qaarna dalkaba isaga carareen.

Erdogan ayaa caan ku ah in uu Israa’iil warbaahinta kala dabaakhtamo, laakiin dal ahaan iyo qoys ahaanba ganacsi xooggan la leh Israa’iil.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com