Liiska Xubnaha u tartamaya Jagada Gudoomiyaha Midowga Afrika oo la shaaciyay

Liiska Xubnaha u tartamaya Jagada Gudoomiyaha Midowga Afrika oo la shaaciyay

Midowga Afrika ayaa diiwaangeliyay musharraxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika , doorashada dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda.

Afar musharrax ayaa la diiwaangeliyay, kuwaaso noqonaya musharrixiinta rasmi ah ee u tartamaya jagadan, kuma jirto Fowsiya Yuusuf Aadam , wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka mid ahayd musharrixiintii u horreyay ee sheegay inay jagadan u tartamayaan , iyadoo ay si rasmi ah dawladda Soomaaliya u gudbisay, balse mar dambe ayay shir jaraa’iid ku sheegtay inay hoggaanka sare ee dawladda usoo jeediyeen inay isaga harto tartanka, si ay booska ugu banneeyso musharraxa ka socda Jabuuti.

Hase ‘ahaatee Soomaaliya ayaa muddo nus qarni ah sugi doonto si mar kale ay ugu tartanto Jagadan oo ah in ay soo keento Musharraxa u taryamaya guddoomiyaha Midowga Afrika.

Musharrixiinta u tartamaysa Xilkan ayaa kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyo masharroxiin kale oo ka soo jeeda dalalka Mauritius iyo Madagaskar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com