liyuu Boolis & Al-Shabaab oo Guulo ka kala sheegtay kadib dagaal ku dhexmaray Bakool

liyuu Boolis & Al-Shabaab oo Guulo ka kala sheegtay kadib dagaal ku dhexmaray Bakool

Taliska Ciidamada liyuu boolis ee dowlad degaanka Somaalida ayaa sheegay in dagaalo ay degaano katirsan gobolka Bakool Al-Shabaab kula galeen ay kaga saareen degaano dhowr ah, isla markaana xubno ay kaga dileen.

War kasoo baxay Taliska ayaa waxaa ay ku sheegeen inay siiwadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaanada xaduuda ah ee Gobolka Bakool kala leeyihiin.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in dagaal dhex maray iyaga iyo Liyuu Booliska degaanka Soomaalida lagu dilay Askar badan oo kamid ah Ciidanka Liyuu Booliska.

War lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalku uu ka dhacay tuulada Quracle oo ka mid ah degaanka Washaaqo ee dhinaca xadka u dhaxeeya degaanka Soomaalida iyo gobolka Bakool Soomaaliya.

Al Shabaab ku sheegtay in ilaa 50 Askar ay ku dileen dagaalka oo ay ku jiraan Saraakiil Liyuu Boolis ah iyo dhaawacyo tiro badan, inkastoo Warbaahinta madaxa banaan aysan xaqiijin karin sheegashada Al Shabaab.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa magacyada qaar kamid ah saraakiisha ay dileen ku sheegay Janaraal Saliid, Korneyl Dhigane iyo Korneyl Cabdirisaaq, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilka Saraakiishan Liyuu Booliska ah, marka laga reebo Janaraal Saliid oo qaar kamid ah ehelladiisa ay xaqiijiyeen dilkiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com