M/weyne Xasan Sheekh oo muddo dheer inkirsanaa awoodda iyo halis IS hadduu qiray oo qarIn-waayey.

M/weyne Xasan Sheekh oo muddo dheer inkirsanaa awoodda iyo halis IS hadduu qiray oo qarIn-waayey.

Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo dawladda uu hoggaamiye ee federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer inkirayey awoodda iyo khatarta ka dhallan karta DAACISH, siiba marka ay joogta amniga Soomaaliya.

Xasan Sh Maxamuud, ayaa hoos u dhigiddiisa halista ISIS, waxaa ay si xoog ah u soo ifbaxday kadib markii Puntland oo ah xubin dawladeed oo ka tirsan federaalka Soomaaliya ay shaacisay weerar ku ekaynteeda DAACISH-ta buuraha Calmiskaad ee gobolka, halkaasi oo ahayd fadhiga kaliya, uguna weyn ee kooxdaasi ay ku lahayd Soomaaliya, xilligaas oo madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo xukuumaddiisu ay ka gaabsadeen ka hadalka dagaalkaasi lala galayo argagixisada ajaaniibta u badan ee xoogga ku qabsaday dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed ee federaalka ah iyo hoggaamiyaheeda Xasan Sh Maxamuud, ayaa looga fadhiyey door muuqda oo ka duwan kay ka istaagtay dagaalka muddada bilaha ah socda ee buuraha Calmiskaad, doorkaasi oo noqon karay dhaqaale, hub, saanad ciidan, taakulo caafimaad iyo mid cududeedba, ayna u sii dheertahay madaxweynaha iyo dawladdiisu in ay dunida ka iibiyaan duullanka argagixiso ee dalkeeda lagu soo qaaday.

Taasi ma dhicin oo calaf iyo cudud toona madaxweyne Xasan kama geysan Calmiskaad, si muuqata iyo si dadbanba, waxaana jiray caqabado waaweyn oo curyaamin isla dagaalkaasi ciribtirka argagixisada ah oo loo tirinayo madaxweyne Xasan iyo xukuumaddiisa, balse uma dhutin dhirifka duullaan ee Puntland ku qaadday DAACISH, waana lagu jabiyey gulufkaas argagixisada, iyadoo uu haatan gabo-gabo yahay wajiga saddexaad ee ciribtirka IS-ta buuraha Calmiskaad.

Door-gabidda madaxweynaha iyo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ee dagaalka Calmiskaad iyo dabool saaridda khatarta iyo awoodda IS, ayaa lagu macneeyey mid ku salaysan khilaafka siyaasad iyo dastuur ee u dhaxeeya xukuumadda federaalka iyo Puntland, taasoo aan marna munaasib ku ahayn, una qalmin hoggaamiye ay dalkiisa ku soo duuleen argagixiso dibadeed oo shisheeye ah, kana durugsan hab-dhaqanka dawladnimada lagu yaqaanno.

Inkasta oo uu sidaas u hooseeyey, una liitay doorka iyo mawqifka madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo xukuumaddiisu, haddana sannad barkiis oo uu socday dagaalka Puntland kula jirto DAACISH, madaxweyne Xasan Sh Maxamuud hadda ayuu qiray halista iyo khatarta ay lahayd kooxda DAACISH oo iminka meesha ka siibaxaysa, wuxuuna sidaas ku caddeeyey wareysi uu siiyey warbaahinta dibedda, isagoo xusay in uu jiray isbahaysi argagixiso oo isku xiran, kaasoo isku-guntayey ISIS, Alshabaab iyo Xuutiyiinta Yamen, kuna wajahnaa Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com