Maalinta dhimirka oo Garoowe laga xusay

Maalinta dhimirka oo Garoowe laga xusay

Waxaa maanta magaalada Garowe lagu qabtay xuska maalinta dhimirka aduunka oo maanta oo kale sanadkasta la qabto.

Sanadka ayaa waxaa hal ku dhig looga dhigay “caafimaad masxakeed oo loo dhanyahay”

Agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka Dr Mohamed Mohamuud xidig oo ka qaybgalay ayaa umahadceliyay ururka dhakhaatiirta Puntland oo xafladan soo qaban qaabiyay, isagoona sheegay in ka wasaaradda caafimaadka ahaan ay soo dhawaynayaa qabsoomida iyo in la xasuusto dadka maskaxda ka xanuusanaya.

Agaasimaha ayaa waxa uu dadkii ka soo qaybgalay iyo bulshada kale ee Reer Puntland ku baraarujiyay sida masuuliyad wadajir ah looga qaadan lahaa xanaanayntooda iyo in laga dheeraado in la dhibaateeyo.

Agaasimaha ayaa ugu danbeyntii xaflada lagu xusayay maalinta dhimirka ka sheegay in qorshaha wasaaradda uu yahay sidii cisbitaalada waaweyn looga heli dhakhaatiir takhasus ku ah cudurada maskaxda ku dhaca.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com