Maalmo adag oo soo wajahay xukuumadda Khayre kadib is-casilaaddii wasiirada

Maalmo adag oo soo wajahay xukuumadda  Khayre kadib is-casilaaddii wasiirada

Is-casilaaddii wasiirkii gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya Drs Maryama Qaasim ayaa soo shaac bixisay isbarbaryaac ka dhex jira hay’adaha kale duwan ee xukuumadda ra’iisul wasaare Khayre.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa qaba ra’iisul wasaaraha inuu si dad badan uu ula wareegay howlihii wasiirada, taasi oo keentay in wasiiro xukuumaddiisa ku jiray gaar ahaana wasaaradaha ugu muhiimsan xilka ay iska casilaan.

Wasaaradaha arimaha gudaha, warfaafinta, maaliyadda iyo gaashaandhigga ayaa la sheegayaa inuu la wareegay wasiirka koowaad ee xukuumadda Mr Khayre, isagoona shaqadii wasiirkii gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka u xilsaaray guddi ka madaxbanaan wasaaradda oo culimo iyo shaqsiyaad xiriir dhow la leh isaga ay kujiraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay waxaa xukuumaddiisa isaga casilay wasiirkii gaashaandhigga, wasiirkii gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, taliyihii ciidamada xoogga dalka, isagoona la sheegay inuu xogaha wasaaradaha uu ka qaato wasiir kuxigeenada iyo xubno ka mid ah agaasimayaasha guud.

Wasiirkii maaraynta masiibooyinka Drs Maryama Qaasim oo sidoo kale madax u ah xisbiga uu aasaasay madaxwayne Farmaajo ee Tayo xiriir dhowna la leh madaxwaynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sababaysay iscasilaadeeda isbarbaryaac ka dhex jira shaqooyinka xukuumadda oo ay ku shaqayn karin.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com