Ayada oo ay sii kordhayaan welwelka COVID-19, ayaa maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) waxa ay maanta bulshada ku wargaliyeen in shacabku ay guriyahooda ku sugnaadaan, oo aanay u soo bixin suuqyada, marka laga reebo shaqaalada daruuriga ah, sida:
- Shaqaalaha caafimaadka
- Shaqaalaha biyaha
- Shaqaalaha korontada
- Ha’ayadaha ammaanka
- Ethio Telecom (ET)
- Taraafikada &
- Warbaahinta
Sidoo kale, go’aan ka soo baxay Xafiiska Raysul Wasaaraha Itoobiya ayaa laga bilaabo maanta oo bisha MAGABIT tahay 30/7/2012, Taariikhda Itoobiya, si looga hortago, loona xakameeyo cudurka COVID-19 in la joojiyey guud ahaanba isu socodka gaadiidka dalka, ha ahaato mid soo galaya iyo gaadiidka gudahaba.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga
COMMENTS