Maamulka degmada Burtinle oo ka warbixiyay mashaariic ay ka fuliniyaan degmadaasi.

Burtinle, Dec, 31- Gudoomiyaha dagmada Burtinle ee gobolka Nugaal Faarax Maxamuud Jaamac (Salwe) ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda dagmada Burtinle ee dhanka hormarka waxna uu sheegay iney socdaan mashaariic hormarineed oo isugu jira dhanka waxbarashada iyo caafimaadka oo ey fulineysay? hay’adda World Vission kuwaasoo uu sheegay inay si xawliya ku socon doonaan sanadka cusub ee 2013ka.


Gudoomiyaha ayaa isagoo jooga deegaanka tuulo Jalam waxaa uu sidoo kale sheegay inay booqashadooda tuuladaasi qayb ay ka tahay u kuur galidda MCH laga furayay deegaankaas iyo xarun loogu magac daray xarunta dhaqanka hooyooyinka taasoo lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka soomaalida oo iyaduna maanta la furay.


Faarax Salwe ayaa geesta kale tilmaamay inuu yaraaday buuqii ka dhex jiray maamulka degmada kaasoo uu sheegay in si hoose loo xaliyay.


Degmada Burtinle ayaa la filayaa sida uu maamulku sheegay sanadka cusub inay ka hir galaan barnaamijyo hormarineed oo ay gacan ka gaysanayaan hay’adaha deegaanka jooga qaarkood.


Diiwaanka Wararka Daljir
Burtinle
(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com